Cashar 1 / 20

Waa Maxay HTML?

Baro waxa HTML yahay, sida unugyadu u shaqeeyaan, iyo sida biraawsarka uu document-ga u soo muujio.

HTML waa af astaamayneed (Markup Language) lagu sameeyo document-yada website-yada. Waxaa lagu sameeyaa waxkasta oo uu website-ku ka koobmaa — hadday ahaan lahayd isku-xireyaal (link-yo), qoraallo, jadwallo, sawirro iyo wixii la halmaala.

HTML waa mid aad u fudud barashadiisu. Qof walba wuxuu awood u yeelan karaa in uu koodka HTML-ka akhristo oo fahmo.

HTML waxay u taagan tahay Hyper Text Markup Language


Unugyada HTML

Unugyada HTML-ku waa ereyo gaagaaban oo ay ku hareeraysanyihiin bilo xagaleedyo < >.

Xukunno muhiim ah:

  • Unugyada HTML badanaa waxay yimaadaan iyaga oo lammaanayaal ah — billaaw iyo dhammaad:
<h1>Cinwaanka</h1>
  • Unugga hore waxaa loogu yeeraa unugga billaawga (opening tag).
  • Unugga dambe waxaa loogu yeeraa unugga xiridda (closing tag) — wuxuu wataa / ka hor magaciisa.
  • Waxaa kaloo jira unugyo maran oo billaaw keliya leh, sida <br> iyo <hr>.

Web Browsers

Browser-radu (Chrome, Firefox, Opera, Safari) shaqadoodu waa in ay soo muujiyaan document-ga HTML-ka ah.

Browser-radu ma soo muujiyaan magacyada unugyada — waxay u adeegsadaan si ay u ogaadaan sida ay document-ga u soo muujinayaan.


Unugyada Lammaan iyo Unugyada Maran

Dhammaan unugyada HTML-ku waxay u qeybsamaan labo nooc:

1. Unugyo lammaan — leh billaaw iyo dhammaad:

<html>……</html>
<h1>……</h1>
<p>……</p>

2. Unugyo maran — leh billaaw keliya, isla markaan ku dhammaanaya halka ay ka billawdeen:

<br>
<hr>
<img>

<!DOCTYPE html>

<!DOCTYPE html>
  • Waa in ay ahaataa waxa ugu horreeya ee document-ga, ka hor unugga <html>.
  • Ma aha unug HTML — waa farriin loogu sheegayo browser-ka version-ka HTML-ka uu document-gu ku qoran yahay.
  • Waxay caddaynaysaa in document-gu yahay HTML5 — version-kii u dambeeyey HTML-ka.
  • Haddaad far yaryar ku qorto <!doctype html> wax khalad ah kuma leh.

Qaab-dhismeedka Document-ga HTML

Document-ka HTML-ku wuxuu leeyahay saddex unug oo aasaasi ah oo lagama maarmin:

<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
  <title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
  <h1>HTML</h1>
  <p>Ku baro afkaaga hooyo</p>
</body>
</html>
UnuggaShaqadiisa
<!DOCTYPE html>Wuxuu sheegaa version-ka HTML — HTML5
<html>Wuxuu haya dhammaan unugyada kale
<head>Xogta ku saabsan document-ga — lama arko website-ka
<body>Waxa kasoo muuqanaya website-ka dhexdiisa

Koobid

  • HTML waa Markup Language — ma aha programming language.
  • Unugyadu waxay yimaadaan iyaga oo lammaanayaal ah (billaaw + dhammaad), qaarkoodna waa maran (billaaw keliya).
  • <!DOCTYPE html> waa in uu ahaadaa xarafka ugu horreeya document-ga.
  • Waxa adeegsaduhu arko oo dhan waxaa ku jira <body>...</body> dhexdooda.

Casharka xigta: Waxaan qori doonaa boggaagayaga HTML-ka ugu horreeya oo aan ku furno browser-ka.

Start today · It's free

Ready to learn
something new?

Browse community-written courses on any subject, or share your expertise by contributing on GitHub .

Browse Courses