Cashar 6 / 20

Foomamka HTML

Baro sida loo sameeyo foom HTML ah si xogta adeegsadaha looga helo — input, textarea, select, iwm.

Unugga <form> waxaa loo adeegsadaa in qofka soo booqda webpage-kaaga uu xog ku siiye. Waa aaladda loo isticmaalo in xog la uruuriyo — sida magaca, password-ka, email-ka, iwm.

Unugga <input> waa kan ugu muhiimsan unugyada soo hoos gala <form>.


Unugyada Foomka

UnuggaShaqadiisa
<form>Wuxuu qeexayaa foomka guud
<input>Gelitaanka xogta (noocyo badan)
<textarea>Boos qoraaleed weyn
<select>Liis kala-doorashada (dropdown)
<option>Doorashooyinka <select> dhexdiisa

Noocyada <input>

Unugga <input> wuxuu leeyahay sifada type oo qeexaysa nooca gelinta xogta:

type=Shaqadiisa
"text"Qoraal caadi ah
"password"Sirta — xarafyadu beddelaan ••••
"email"Email — browser wuxuu xaqiijiyaa qaab-dhismeedka
"radio"Doorasho hal ah oo ka mid ah koox
"checkbox"Doorasho hal ama badan oo madax-bannaanayaal ah
"submit"Badhanka diritaanka foomka

Tusaale Dhamaystiran

<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
  <title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
  <form>
    Magaca:<br>
    <input type="text" name="Magaca"><br>

    Sirta:<br>
    <input type="password" name="Sirta"><br>

    Email-ka:<br>
    <input type="email" name="email"><br>

    Iska faallood:<br>
    <textarea cols="15" rows="8"></textarea><br>

    Haybta:<br>
    <input type="radio" name="Haybta" value="Lab"> Lab<br>
    <input type="radio" name="Haybta" value="Dheddig"> Dheddig<br>

    Da'da:<br>
    <select>
      <option>15</option>
      <option>16</option>
      <option>17</option>
      <option>18</option>
      <option>19</option>
    </select><br><br>

    Maxaad rabtaa in aad barato:<br>
    <input type="checkbox" name="Economic"> Economic<br>
    <input type="checkbox" name="CS"> Computer Science<br>
    <input type="checkbox" name="Accounting"> Accounting<br><br>

    <input type="submit" value="IsDiiwaanGeli">
  </form>
</body>
</html>

Faahfaahin Unug kasta

<input type="text">

Wuxuu sameeyaa sanduuq qoraaleed oo adeegsaduhu ku qori karo magaciisa ama xog kasta.

Magaca: <input type="text" name="Magaca">

<input type="password">

Wuxuu sameeyaa sanduuq sir ah — xarafyada la galiyo waxay u beddelaan •••• si aan cid kale u arkin.

Sirta: <input type="password" name="Sirta">

<input type="email">

Wuxuu xaqiijiyaa in xogta la galay ay leedahay qaab-dhismeedka email — wuxuu ka hor iman doonaa gelinta foomka haddaan email-ku ahayn mid sax ah.

Email: <input type="email" name="email">

<textarea>

Wuxuu sameeyaa boos qoraaleed weyn oo adeegsaduhu ku gelin karo qoraal badan.

<textarea cols="30" rows="5"></textarea>
  • cols — balaca (tirada xarafyada)
  • rows — tirada safooyinka

<input type="radio">

Wuxuu ogolaanayaa doorasho keliya oo ka mid ah koox. Dhammaan radio buttons-yada hal koox ah waa inay wadaagaan name isku mid ah.

<input type="radio" name="Haybta" value="Lab"> Lab
<input type="radio" name="Haybta" value="Dheddig"> Dheddig

<select> iyo <option>

Wuxuu sameeyaa liis hoos-u-dhaca (dropdown list). Doorashooyin kasta waxay ku jiraan <option> dhexdooda.

<select name="Da'da">
  <option>15</option>
  <option>16</option>
  <option>17</option>
</select>

<input type="checkbox">

Wuxuu ogolaanayaa doorasho hal ama badan — mid kasta ayaa madax-banaan, lama xidhna koox.

<input type="checkbox" name="CS"> Computer Science
<input type="checkbox" name="Accounting"> Accounting

<input type="submit">

Waa badhanka diritaanka foomka. Marka la riixo, foomka wuxuu u diraa server-ka.

<input type="submit" value="IsDiiwaanGeli">
  • value waa qoraalka ka soo muuqda badhan-ka

Sifooyinka Muhiimka ah

SifadaShaqadiisa
nameMagaca unugga — server-ka ayuu u isticmaalo
valueQiimaha la diray ama qoraalka badhanka
placeholderQoraal tusaale ah oo muuqda sanduuqa marka madhan yahay
requiredWuxuu foomka ka dhigaa in unugga lagama maarmi karo

Tusaale oo placeholder leh:

<input type="text" name="Magaca" placeholder="Ku qor magacaaga">
<input type="email" name="email" placeholder="tusaale@email.com">

Koobid

  • <form> — Wuxuu qeexayaa foomka
  • <input> — Gelitaan xog ah (noocyo badan: text, password, email, radio, checkbox, submit)
  • <textarea> — Boos qoraaleed weyn
  • <select> iyo <option> — Liis kala-doorasho
  • Sifada name waa muhiim — server-ka ayuu u isticmaalo si uu xogta u ogaado

Casharka xigta: Waxaan baranayaa sawirrada iyo warbaahinta HTML — sida sawirro, muuqaallo, iyo maqallo loo geliyo webpage-ka.

Start today · It's free

Ready to learn
something new?

Browse community-written courses on any subject, or share your expertise by contributing on GitHub .

Browse Courses