Cashar 4 / 20

Liisaska HTML

Baro saddexda nooc ee liisaska HTML: Ordered List, Unordered List, iyo Description List.

HTML-ku waxa uu leeyahay qaabab kala duwan oo loo adeegsado is-dabadhigidda ama isku-xijinta liisaska (lists). Waxaa jira saddex nooc oo ugu muhiimsan:

  1. Ordered List — Number-ro ayuu adeegsanaa
  2. Unordered List — Bullet-yo ayuu adeegsanaa
  3. Description List — Walax qeexid

1. Ordered List — <ol>

Waxa kale oo loo yaqaan Numbered List. Waxaa loo adeegsadaa in loo sameeyo number walax kasta oo liiska ku jira — unugga isaga ayaa iskii u siinaya number-ka walax kasta.

Unugyada la isticmaalo:

  • <ol> — Waa unugga guud ee liiska (Ordered List)
  • <li> — Waa unugga qabanaya walax kasta oo liiska ka mid ah (List Item)
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
  <title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
  <h1><u>Markup Languages</u></h1>
  <ol>
    <li>XML</li>
    <li>HTML</li>
    <li>SGML</li>
  </ol>
</body>
</html>

Natiijada:

  1. XML
  2. HTML
  3. SGML

2. Unordered List — <ul>

Waxa kale oo loo yaqaan Bulleted List. Waxaa loo adeegsadaa in lagu soo muujiyo liis ku astaysan bullets (•).

Unugyada la isticmaalo:

  • <ul> — Waa unugga guud ee liiska (Unordered List)
  • <li> — Waa unugga qabanaya walax kasta (List Item)
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
  <title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
  <h1><u>Programming Languages</u></h1>
  <ul>
    <li>Java</li>
    <li>C++</li>
    <li>Visual Basic</li>
  </ul>
</body>
</html>

Natiijada:

  • Java
  • C++
  • Visual Basic

3. Description List — <dl>

Waxaa loo adeegsadaa in lagu soo muujiyo walax wadata qeexitaankeeda (definition list). Wuxuu leeyahay saddex unug:

UnuggaShaqadiisa
<dl>Unugga guud ee liiska qeexidda
<dt>Walaxda la qeexayo (definition term)
<dd>Qeexitaanka walaxda (definition description)
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
  <title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
  <dl>
    <dt>HTML</dt>
    <dd>Waxaa lagu dhisaa qaab-dhismeedka website-yada</dd>

    <dt>CSS</dt>
    <dd>Waxaa lagu naqshadayaa laguna qurxiyaa qaab-dhismeedkii lagu sameeyey HTML-ka</dd>
  </dl>
</body>
</html>

Natiijada:

HTML     Waxaa lagu dhisaa qaab-dhismeedka website-yada

CSS     Waxaa lagu naqshadayaa laguna qurxiyaa qaab-dhismeedkii lagu sameeyey HTML-ka


Faallada HTML — <!-- -->

Inta badan faalloyinka waxaa loo adeegsadaa in ay xusuus noqdaan ama tilmaam ahaan in loo adeegsado.

Faallada waxaa ku dhex qoraa <!-- halkan --> — wax kasta oo ku dhex jira waa uu iska dhaafayaa browser-ku oo ma soo muujinayo.

<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
  <title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
  <!-- Faalladaan browser-ka ka soo muuqan maayo -->
  <p>Qoraalkan waa la arki karaa</p>
</body>
</html>

Waxaa loo adeegsadaa:

  • Xusuus ahaan marka la rabo qaab-dhismeedka webpage-ka in wax laga beddelo
  • In kood brief loogu sameeyo
  • In qayb kood ah ku-meel-gaar la joojin karo iyada oo laga saarin

Koobid

UnuggaShaqadiisa
<ol>Liis numbered ah
<ul>Liis bullets leh
<dl>Liis qeexeed
<li>Walax liiska ku jirta (ol iyo ul)
<dt>Walaxda la qeexayo (dl)
<dd>Qeexitaanka walaxda (dl)
<!-- -->Faallo — browser-ku ma muujinayo

Casharka xigta: Waxaan baranayaa jadwallada HTML — sida loo sameeyo miisas xog ku jirta.

Start today · It's free

Ready to learn
something new?

Browse community-written courses on any subject, or share your expertise by contributing on GitHub .

Browse Courses