Casharkaan waxaan ku baran doonaa sida qoraalka loogu soo muujiyo webpage-ka. Waxaan baranayaa saddex arrimood oo muhiim ah: cinwaannada, tuduc qoraaleedyada, iyo naqshadeynta qoraalka.
Cinwaannada HTML (Headings)
HTML-ku waxa uu leeyahay 6 heading oo loo adeegsado si loo soo muujiyo cinwaannada ama looga sooco qoraallada kale.
Sifooyinka cinwaannada:
- Qoraalkooda waa ka weyn yahay qoraalka caadiga ah
- Waa ka garo-weyn (bold) yahay qoraalka kale
- Unug kasta ee heading-ku wuxuu ka boodaa line maran oo ka sarreeya iyo mid ka hooseeya
Waxaa uga weyn <h1> waxaana ugu yar <h6>.
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
<title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
<h1>HTML ku baro afkaaga</h1>
<h2>HTML ku baro afkaaga</h2>
<h3>HTML ku baro afkaaga</h3>
<h4>HTML ku baro afkaaga</h4>
<h5>HTML ku baro afkaaga</h5>
<h6>HTML ku baro afkaaga</h6>
</body>
</html>
Natiijada: h1 waa kan ugu weyn ee ugu muuqda, h6-na waa kan ugu yar.
Isticmaal
<h1>cinwaanka ugu weyn ee bogga, ka dibna<h2>,<h3>iwm. si taxane ah.
Tuduc Qoraaleed — <p> (Paragraph)
Marka aad rabto in aad qoraal ama tuduc qoraaleed kasoo muujiso website-kaaga, waxaad u baahantahay in aad adeegsato <p> — unug lammaan ah.
Tudocyo kastaa oo isku xig-xiga waxay u dhexeysiinayaan line maran.
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
<title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
<p>Ku baro afkaaga hooyo</p>
<p>HTML waa mid aad u fudud</p>
</body>
</html>
Natiijada: Labada tuduc waxay u muuqdaan kala-sooc maran dhexdooda.
Naqshadeynta Qoraalka
Waxaa jira unugyo loo adeegsado in lagu kala sooco ama lagu naqshadeeyo qoraalka.
| Unugga | Shaqadiisa | Natiijada |
|---|---|---|
<b> | Qoraalka bold ka dhigayaa | qoraal |
<i> | Qoraalka janjeersan ka dhigayaa | qoraal |
<u> | Hoosta qoraalka xariiq ka dhigayaa | qoraal |
<big> | Qoraalka ka weyneysiinayaa | qoraal WEYN |
<small> | Qoraalka ka yaryaraysiinayaa | qoraal yar |
<sup> | Qoraalka kor u qaadayaa | x² |
<sub> | Qoraalka hoos u dhigayaa | H₂O |
Tusaale:
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
<title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
<b>Html waa</b> mid ay <small>aad u fududdahay</small>
<big>barashadeedu</big>,
<sup>sidoo kale waxa</sup> ay <u>muhiim u tahay</u>
in uu <i>barto qof walba</i> oo
<sub>computer programming</sub> ku cusub.
</body>
</html>
Unugga Break — <br>
Unugga <br> waa unug maran (void element) — leh billaaw keliya, isla markaan ku dhammaanaya.
Waxaa loo adeegsadaa marka la rabo in line cusub loo gudbo — sida Enter riixidda.
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
<title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
HTML <br>
Ku baro afkaaga hooyo
</body>
</html>
Natiijada:
HTML
Ku baro afkaaga hooyo
Unugga Preformatted Text — <pre>
Unugga <pre> waxa uu kaga duwan yahay unugyada kale in loo adeegsado si buuxda loo maamulo:
- Spaces (bannaanaha)
- Line-nanka laga boodayo
- Xarafka cusub ee la bilaabayo
Wax kasta oo ku dhex jira <pre> wuxuu sida uu u qoranyahay u soo muuqanayaa browser-ka.
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
<title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
<pre>Si fudud ugu baro
Html afk aaga</pre>
</body>
</html>
Natiijada: Spaces-yada iyo linebreaks-yada oo dhan waxay soo muuqdaan sida uu qoraalku u qoranyahay.
Unugga Horizontal Rule — <hr>
Unugga <hr> waa unug maran — waxana loo adeegsadaa in lagu sameeyo xariiq toosan oo jiifta (horizontal line) oo kala soocda qaybo kala duwan.
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
<title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
<h1>HTML ku baro afkaaga</h1>
<hr>
<p>Qoraalka hoostiisa</p>
</body>
</html>
Astaamaha Gaarka ah (Special Characters)
Waxaa jira astaamo gaar ah oo loo yaqaan Special Characters oo loo adeegsan karo HTML document-ga. Waxay bilaabmaan & oo ku dhammaanaan ;.
| Astaanta | Code-keeda |
|---|---|
| © | © |
| ® | ® |
| ¼ | ¼ |
| ½ | ½ |
| ¾ | ¾ |
| ÷ | ÷ |
< | < |
> | > |
| ≤ | ≤ |
| ≥ | ≥ |
<body>
astaamaha: ©, ®
<br>
astaamaha: ¼, ½, ¾
<br>
astaamaha: ÷, <, >, ≤ ≥
</body>
Dhamaan astaamahaas code-koodu in uu ku dhammaado
;(semicolon) waa lagama-maarmaan.
Koobid
<h1>ilaa<h6>— cinwaannada,h1waa ugu weyn<p>— tuduc qoraaleed, tudocyo kala sooca line maran<b>,<i>,<u>,<big>,<small>,<sup>,<sub>— naqshadeynta qoraalka<br>— line cusub (void element)<hr>— xariiq toosan (void element)<pre>— qoraal sida uu u qoranyahay u soo muujiya- Special characters —
©,<,>iwm
Casharka xigta: Waxaan baranayaa liisaska HTML — ordered list, unordered list, iyo description list.