Cashar 11 / 20

Xiriirrada iyo Ka-gudubka Bogagga

Baro sida loo sameeyo xiriirrada (links) HTML ah iyadoo la adeegsanayo unugga <a> — links gudaha bogga, bixitaanka bogga, iyo links dibadda.

Casharkaan waxaan ku baranayaa mid ka mid ah sheyga ugu muhiimsan ee HTML-ka — xiriirrada (links). Xiriiradu waa ta ka dhigaysa internetka mid is-xidha. Marka aad guji xiriir, browser-ku wuxuu ku gudbiyaa bog kale.


Unugga <a> — Anchor

Unugga <a> (Anchor) waa unugga loo adeegsado si lagu sameeyo link. Waa unug lammaan leh billaaw iyo dhammaad.

<a href="cinwaanka-bogga">Qoraalka la arki doono</a>

Sifada href (Hypertext REFerence) waxay qabtaa cinwaanka bogga ee link-gu u wado.


Noocyada Xiriirrada

Link ku wada website kale oo ka baxsan bogaagaaga:

<a href="https://www.google.com">Tag Google</a>

Waxaa wanaagsan in aad ku darsato target="_blank" si link-gu tab cusub ugu furo — adeegsaduhu boggaaga kuma seegto.

<a href="https://www.google.com" target="_blank">Tag Google (Tab cusub)</a>

Link ku wada bogga kale oo ka mid ah websitadaada:

<a href="bogga-labaad.html">Bogga Labaad</a>

Haddii bogaggu ku jiraan folder:

<a href="casharrada/cashar-1.html">Cashar 1</a>

Waxaad link u samayn kartaa unug gaar ah oo ku jira isla bogga. Marka la gujiyo, bog-eegaha wuxuu toos u dhaqaaqayaa meesha id-ka.

Tallaabo 1: Ku dar id unugga aad rabto in la gaaro:

<h2 id="liisaska">Qaybta Liisaska</h2>

Tallaabo 2: Samee link ku wada id-kaas:

<a href="#liisaska">Tag Qaybta Liisaska</a>

Waxaad link u samayn kartaa si toos ah email loo furo:

<a href="mailto:caawa@example.com">Nala soo xiriir</a>

Tusaale Dhamaystiran

<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
  <title>Xiriirrada</title>
</head>
<body>

  <h1>Liiska Xiriirrada</h1>

  <!-- External link -->
  <p>
    <a href="https://www.w3schools.com" target="_blank">
      Baro HTML W3Schools
    </a>
  </p>

  <!-- Internal link -->
  <p>
    <a href="ku-saabsan.html">Ku saabsan naga</a>
  </p>

  <!-- Link gudaha bogga -->
  <p>
    <a href="#dhammaadka">Tag dhammaadka bogga</a>
  </p>

  <!-- Qoraal badan halkaan -->
  <p>Qoraal badan...</p>
  <p>Qoraal badan...</p>
  <p>Qoraal badan...</p>

  <!-- Id-ka la wado -->
  <h2 id="dhammaadka">Dhammaadka Bogga</h2>
  <p>Waad gaadhay dhammaadka!</p>

</body>
</html>

Sifooyinka <a> ee Muhiimka

SifadaShaqadiisaTusaale
hrefCinwaanka link-gahref="https://example.com"
targetMeesha link-gu ku furmotarget="_blank" (tab cusub)
titleQoraal muuqda marka ay gacanta geliso link-gatitle="Bogga Google"
downloadBrowser-ka wuxuu soo dejistaa file-kadownload="file.pdf"

Sawir xitaa waxaa laga dhigi karaa link:

<a href="https://ereyle.com">
  <img src="logo.png" alt="Ereyle Logo">
</a>

Marka la gujiyo sawirka, link-ga ayaa la raacayaa.


Browser-ka si caadiga ah link-yada wuxuu u muujiyaa buluug oo xariin hoostiisa ah. Haddii aad rabto in aad beddesho muuqaalka, CSS ayaad u baahan tahay:

<style>
  a {
    color: green;
    text-decoration: none;
  }
  a:hover {
    text-decoration: underline;
  }
</style>

Koobid

  • <a href="..."> — waa unugga link-yada
  • Links dibaddahref wuxuu bilaabmaa https://
  • Links gudahahref wuxuu qabtaa magaca file-ka
  • Links bogga gudihiisahref="#id" wuxuu u gudubaa unug gaar ah
  • target="_blank" — wuxuu link-ga ku furtaa tab cusub
  • mailto: — wuxuu furtaa barnaamijka email-ka

Casharka xigta: Waxaan baranayaa sawirrada HTML — sida loo geliyo webpage-ka.

Start today · It's free

Ready to learn
something new?

Browse community-written courses on any subject, or share your expertise by contributing on GitHub .

Browse Courses