Casharkaan waxaan baranayaa sida muuqaallada (video) iyo maqallada (audio) loogu geliyo boggaga HTML-ka. HTML5 wuxuu noo fududeeyay gelitaanka warbaahinta adiga oo u baahnayn barnaamij dheeraad ah.
Unugga <video>
Unugga <video> waxaa loo adeegsadaa in muuqaal lagu soo geliyo webpage-ka.
<video width="320" height="240" controls>
<source src="muqaal.mp4" type="video/mp4">
</video>
Sifadaha <video>
| Sifada | Shaqadiisa |
|---|---|
width | Ballaca muuqaalka |
height | Dhererka muuqaalka |
controls | Wuxuu soo muujiyaa badhannada (play, pause, xajmiga) |
autoplay | Muuqaalku wuxuu bilaabmaa isla markiiba |
muted | Cod la’aanta — loo baahan yahay autoplay |
loop | Muuqaalku wuxuu dib u bilaabmaa markuu dhammaado |
poster | Sawirka muuqda muuqaalku hortii uu bilaabanin |
<video width="640" height="360" controls poster="sawir-hore.jpg" loop>
<source src="cashar.mp4" type="video/mp4">
<source src="cashar.webm" type="video/webm">
Browser-kaagu ma taageero muuqaallada HTML5.
</video>
Sababta lagu daray labada
<source>: browser kasta wuxuu taageeraa jaadad kala duwan. Browser-ku wuxuu isticmaali doonaa kan ugu horreeya ee uu taageeraa.
Jaadadka Muuqaallada
| Jaadad | type= |
|---|---|
.mp4 | video/mp4 — ugu baahsan |
.webm | video/webm |
.ogg | video/ogg |
Talo: Isticmaal
.mp4marka hore — dhammaan browser-yada casriga ah waxay taageeraan.
Unugga <audio>
Unugga <audio> wuxuu kuu ogolaanayaa in aad soo geliso cod ama maqal webpage-kaaga.
<audio controls>
<source src="maqal.mp3" type="audio/mpeg">
Browser-kaagu ma taageero maqallada HTML5.
</audio>
Sifadaha <audio>
| Sifada | Shaqadiisa |
|---|---|
controls | Wuxuu soo muujiyaa badhannada (play, pause, cod) |
autoplay | Maqalku wuxuu bilaabmaa isla markiiba |
loop | Maqalku wuxuu dib u bilaabmaa |
muted | Billaabmaa oo cod la’aan ah |
Jaadadka Maqallada
| Jaadad | type= |
|---|---|
.mp3 | audio/mpeg — ugu baahsan |
.wav | audio/wav |
.ogg | audio/ogg |
Unugga <source>
Unugga <source> waa unug maran oo ku dhex jira <video> ama <audio>. Wuxuu qeexayaa:
src— jidka file-katype— jaadka file-ka
Browser-ku wuxuu akhristaa <source> kii ugu horreeya ee uu taageeraa — kuwa kale waa uu iska daayaa.
YouTube iyo Dibadda Video
Halkii aad ku kaydinayso muuqaalka serverkaaga, waxaad sidoo kale ku dari kartaa muuqaallada YouTube iyada oo la isticmaalayo <iframe>:
<iframe
width="560"
height="315"
src="https://www.youtube.com/embed/VIDEO_ID"
title="Muuqaalka YouTube"
allowfullscreen>
</iframe>
Wax ka baddel VIDEO_ID magaca muuqaalka YouTube.
Tusaale Dhamaystiran
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
<title>Warbaahinta HTML</title>
</head>
<body>
<h1>Muuqaalka Casharka</h1>
<video width="640" height="360" controls poster="cashar-sawir.jpg">
<source src="cashar-html.mp4" type="video/mp4">
<source src="cashar-html.webm" type="video/webm">
Browser-kaagu ma taageero muuqaallada HTML5.
</video>
<hr>
<h2>Maqalka Casharka</h2>
<audio controls>
<source src="cashar-audio.mp3" type="audio/mpeg">
<source src="cashar-audio.ogg" type="audio/ogg">
Browser-kaagu ma taageero maqallada HTML5.
</audio>
<hr>
<h2>Muuqaalka YouTube</h2>
<iframe
width="560" height="315"
src="https://www.youtube.com/embed/dQw4w9WgXcQ"
title="Muuqaal YouTube"
allowfullscreen>
</iframe>
</body>
</html>
Qodobada Muhiimka ah
- Waxaa wanaagsan in muuqaalka ama maqalku kula kaydsan yahay folder-ka document HTML-kaaga
- Had iyo jeer ku dar
controlssi adeegsaduhu uu maamuli karo - Ku dar jaadad badan
<source>si browser kasta uu mid taageero - Compress muuqaalada — muuqaallo culus waxay tartiibiyaan bogga
Casharka xigta: Waxaan baranayaa Faallada HTML iyo sida kheyraadka lagu maamulo.