Casharkaan waxaan ku baran doonaa sida loo qoro document-ga HTML-ka ah, sida loo kaydio, iyo sida loo furo browser-ka. Waxaan isticmaali doonaa Notepad — barnaamijka ugu fudud ee Windows-ka.
Tallaabada 1: Fur Notepad
- Windows 7 ama ka hore: Start → All Programs → Accessories → Notepad
- Windows 8 ama ka dambe: Start → qor Notepad → Enter
Tallaabada 2: Qor Koodka HTML
Notepad-ka ku qor koodkan soo socda:
<!DOCTYPE html>
<html>
<body>
<h1>HTML</h1>
<p>Ku baro afkaaga hooyo</p>
</body>
</html>
Tallaabada 3: Kaydi (Save)
- Taabo File → Save As
- Ku magacaw file-ka
Billaaw.html - Hubi in dhammaadka uu yahay
.htmlama.htm - Encoding-ga ku dooro UTF-8
- Taabo Save
Waxaad isticmaali kartaa
.htmlama.htmmidkood — wax kala duwanaanshe ah uma dhaxeeyaan.
Tallaabada 4: Fur Browser-ka
Aad meesha aad file-ka ku kaydisay, ka dib labo goor guji file-ka. Browser-kaagu wuxuu ku tusi doonaa:
- Cinwaan weyn: HTML
- Hoostiisa sadar: Ku baro afkaaga hooyo
Unugga <html>
<html>
...dhammaan unugyada kale...
</html>
Waa unugga ay dhexdiisa galayaan dhammaan unugyada kale ee HTML-ka. Waa unug lammaan leh:
<html>— billaawga</html>— dhammaadka
Inkastoo uu yahay mid aad iska dayn karto oo browser-ku shaqaynayo, waxaa wanaagsan in uu jiro — haddaan la adeegsan, khaladaad ayaa soo bixi karta.
Unugga <head>
<head>
<title>Tijaabo</title>
</head>
Unugga <head> wuxuu ka mid yahay unugyada lammaan. Waxa hoos yimaada:
<title>— Cinwaanka document-ga oo ka soo muuqda tab-ka browser-ka (meesha kore).
Xogta <head> dhexdeeda lama arko website-ka dhexdiisa — waa xog browser-ka loo dirayo.
Tusaale:
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
<title>Tijaabo</title>
</head>
<body>
<h1>HTML</h1>
<p>Ku baro afkaaga hooyo</p>
</body>
</html>
Marka aad furto browser-ka, tab-ka waxaad ku arki doontaa Tijaabo — taasi waa cinwaanka <title> ka timid.
Unugga <body>
<body>
...waxa website-ku heli doono...
</body>
Unugga <body> waa jirka document-ga HTML-ka. Wuxuu ka koobmayaa:
- Dhammaan qoraallada
- Liisaska
- Jadwallada
- Sawirrada
- Link-yada
- Foomamka
Waxa ku dhex jira <body> waa waxa adeegsaduhu websitekaaga kaga arki doono.
Ogoow
| Arrin | Xukun |
|---|---|
| Document-ga HTML wuxuu ka bilaabmaa | <html> |
| Document-ga HTML wuxuu ku dhammaadaa | </html> |
| Waxa adeegsaduhu arko | Waxaa ku jira <body>...</body> |
| Cinwaanka browser-ka tab-ka | Waxaa qabta <title>...</title> |
<!DOCTYPE> | Waa in uu ka horreeyo <html> |
Ku Tijaabi
Qor koodkan oo ka kaydi tijaabo.html:
<!DOCTYPE html>
<html>
<head>
<title>Koorsadeyda HTML</title>
</head>
<body>
<h1>Salaan!</h1>
<p>Kani waa boggayga ugu horreeya.</p>
</body>
</html>
Fur browser-ka — tab-ka waxaad ku arki doontaa Koorsadeyda HTML, bogga dhexdiisana waxaad arki doontaa cinwaanka iyo saradaada.
Casharka xigta: Waxaan baranayaa cinwaannada HTML iyo sida qoraalka loo habeeyo.